Tallaaladu waxay jirkaaga barayaan inuu la dagaallamo cudurka.

Tallaalada COVID-19 waxay jirkaaga siinayaan tilmaamaha uu ku ogaan karo waxa uu coronavirus u eg yahay. Kadibna jirkaagu wuxuu jejebinayaa tallaalka wuxuuna ku soo daadinaya dibada. Haddii aad mar kale qaado fayraska, jirkaagu wuu aqoonsan karaa oo isla markiiba wuu weerari karaa. Aad bay u yar tahay inaad si xun ula xanuunsato sababtoo ah jirkaagu wuu diyaarsan yahay.

Tallaalada kama qaadi kartid COVID-19.

Tallaaladu kuma jiraan wax vnool oo coronavirus ah, markaa kuguma ridi karaan cudurka. Ka dib markaad qadato tallaalka, waxaa laga yaabaa inaad dareento daal, aad yeelato cudud xanuun, ama kugu dhacdo qandho maalin ama laba maalmood. Taasi waa wax caadi ah—waxay ka dhigan tahay in jirkaagu uu dhisayo ilaalinta.

Tallaaladu runtii aad bay ugu fiican yihiin ka hortagga cudurrada halista ah.

Iyadoo laga yaabo inaysan tallaaladu kaa ilaalinayn inaad cudurka qaaddo, waxay badbaadin karaan noloshaada. Dadka caafimaadka qaba ee da' kasta ah waxay yeelan karaan calaamado daran oo raagaya, oo leh khatar sare haddii aad la nooshahay cayilka, sonkorowga, ama dhiig karka. Dadka intooda badan ee dhawaan isbitaalka loo dhigay COVID-19 ma qaadanin tallaalka. Oo haddii aad hore u qabtay fayraska, tallaaladu waxay kaa caawin karaan inay ku difaacaan haddii aad mar kale xanuunsato.

Tallaalada COVID-19 ayaa si taxadar leh loogu tijaabiyay badqabka.

Kumanaan mutadawiciin ah oo leh da'yo, jinsiyado, qowmiyado, iyo bulshooyin kala duwan ayaa ka caawiyay cilmi-baarayaasha inay hubiyaan in tallaalku badqab u yahay qof walba. Malaayiin kale oo ku nool daafaha caalamka ayaa hadda si badqab leh u helay tallaallada. Marka lagu tallaalo, dhakhaatiirtu waxay si dhow ula socdaan waxyeellooyin naadir ah, oo aan la rabin. Ma jiro wax caddayn ah oo muujinaya in tallaaladu saameeyaan awooddaada inaad carruur dhasho. Guud ahaan, khataraha COVID-19 aad ayey uga khatarsan yihiin khataraha tallaallada.

Waa caadi in aad qabtid su'aalo ku saabsan tallaallada COVID-19.

  

Image
Black and white text reading Children's Vaccine Education Project